Cadalle-(Ayaamaha)-Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya khasaarihii ka dhashay dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaanka Burdheere ee Gobalka Shabeelaha Dhexe. Xubno ka madaxbanaan dhinacyada dagaalmaya ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhintayn 30 qof tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Dadkii ku dhaawacmay Dagaalka ayaa la kala dhigay Isbitaalada Jowhar iyo Kaysaney ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Odayaasha dhaqanka ayaa ku baaqaya in la kala dhax galo dhinacyada isku heesta degmada Cadalle ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Goob joogayaasha ayaa waxaa ay sheegan in daryanka hub culus laga maqlayay degaano ku dhow degaanka Burdheere waxaana la sheegayaa in dagalka ay ka qayb qaateen Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya oo kala safan labada dhinaca.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamo Gurmad u ah labada dhinaca ay ka baxeen degmooyin iyo degaano katirsan Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo xalay iyo shalay galab gaaray degaano u dhow Goobihii lagu dagaalamay. Ma jirto cid ilaa hada cad isu xilqaantay joojinta dagaalkaasi.