Muqdisho-(Ayaamaha)-Waxaa goordhaw banaan bax rabshado wata oo ay dhigayaan dhalinyarada Mooto bajaajta ku shaqeysa iyo dad kale oo shacab ah ka bilowday Isgooska Howl Wadaag ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 5 Qof ayaa ku Geeriyootay Tira kalana wey ku Dhaawacmeen Banaan Baxyo Rabshada wata oo ka socda qeyba kamid ah Magaalada Muqdisho gaar ahaan Dagmada Howl wadaag.

Banaan baxyadan aya ka dhashay kadib marki Askari katirsan Ciidamada Dowlada uu Toogtay Wiil yar oo kaxeynayay Mooto Bajaaj.

Askariga dilka u geestay labada ruux ee shacabka ahaa ayaa la sheegay in goobta si nabad galyo ah uga baxsaday, waxaana xusid mudan in goobta dilku ka dhacay sidoo kale joogeen ciidamo kale oo booliis ah oo qaban karay gacan ku dhiiglaha.