Somali military officers attend a training programme by the United Arab Emirates (UAE) at their military base in Mogadishu, Somalia November 1, 2017. Picture taken November 1, 2017. REUTERS/Feisal Omar

Muqdisho-Ayaamaha-Tirada rasmiga ah ee Dowladda Federaalka ugu diiwaangashan ciidamada qaranka ayaa muujineysa in askarta Somalia ay si weyn u korortay.

Wasaaradda Maaliyadda dowladda Somalia ayaa soo bandhigtay in ciidamo kor udhaafaya 40 kun oo askari ay haatan mushaari yihiin, taas oo tirade askarta Somalia ka dhigeysa tii ugu sareysay tan iyo bur burkii dowladii dhexe.

Ciidamadda Militerga ama xoogga dalka nayaa tira ahaan gaaraya: 24,063 halka ciidamada booliisku dhan yihiin 12,084, sidoo kale ciidamada Asluubta ayaa gaaraya 1,112.

Dowladda Somalia ayaa leh ciidamo gaar ah oo Koofiyad Casta loo yaqaan iyo kuwa Gaashaan oo aanan ka tirsaneyn milteriga kuwaas oo kordhinaya tirade ciidamada xooga dalka, sidoo kale tirade Ciidamada NISA ama sirdoonka Somalia oo tiro ahaan aana la heyn ayaa ka mid ah xooga dalka.

Ciidamadan ayaa dowladda mushaar ahaan uga qaata lacag dhan 146 Milyan oo Dollar Mareykana ah , laakiin taas oo ay jirto wali dalka waxaa ka dhacaya falal amaan xumo oo uu ugu dambeeyay qaraxii Ex Kontrol Afgooye oo dad ku dhow boqol ay ku dhinteen.

Si kastaba, dadka falanqeeya arimaha ciidamada ayaa aamisan in Somalia ay kusoo laabaneyso hogaankii libaaxa ee geeska Afrika.

Militeriga Somalia ayaa diyaar u ah iney amaanka guud ahaan dalka ay kala wareegaan ciidamada Amisom oo uu howlgalkoodu dhamaanayo sanadka 2021-da.