Wararka naga soo gaaraya Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ilaa 7 qof oo Soomaali ah la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen shilkii diyaaradeed ee shalay ka dhacay dalka Itoobiya.

Soomalida ku geeriyootay shilkan diyaaradeed ayaa intooda badan waxay ku safrayeen baasaboorada wadamo kale waxayna u badan yihiin carruur iyo dumar waxaana la helay magacayooda.

1 Cabdishakuur Maxamed Shahaad oo  katirsan Xafiiska R/W Kheyrre

2 Siraaji Xuseen Cabdi oo ka soo jeeda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya


3 Sahro Saciid Xasan iyo Wiilkeeda Nasrudiin C/qaadir oo heesta dhalasha UK


4 Aamina Ibraahim Odawaa iyo Gabadheeda Safiyo Faysal oo heesta dhalashada Canada


5 Axmed Nuur Maxamuud oo ka tirsanaa Shaqaalaha Shirkadda Itoobiya Airline


Dowladda Itoobiya ayaa wada baaritaan ku aadan shilkaan diyaaradeed iyo wixii sababay, sidoo kale dowladda Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay baaritaan ku sameyso hiddo sidaha dadkii halkaasi ku dhintay si loo ogaado dadka ehalka ah.

Tirada dhimasha dadka Soomaalida ah ayaa laga cabsi qabaa in ay intaan ka badato sababtoo ah Soomaali badan ayaa ku safra baasaboorada wadamo kale oo ay ka heestaan dhalashadooda kuwaas oo lagu daray liiska dalalka ay dhalasha ka heestaan.