Garoowe-Ayaamaha-deegaanka HORUFADHI ee Maamulka Puntland ayaa laga soo waramayaa in halkaas ay kadhacay dilka qofka oo ahaa Shacab oo xalay  loogu geystay gobolka Sool.

Dilka ayaa waxaa la sheegay in ay geysteen maleeshiyaad hubeysn.

Sidoo kale dilka ayaa wararka waxaa ay sheegayaan in uu la xiriiro aanooyin qabiil oo horey uga jirtay deegaankaas,balse haatan u muuqato inay dib u soo cusboonaatay.

Xiisada ayaa u dhaxeysa maleeshiyaad kasoo kala jeeda qofka Shacabka ahaa ee la diley & dadkii ka dambeeyey dilkiisa,isla markaana ay cabsi dareemayaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Waxgaradka iyo Odayaasha magaalada Buuhoodle oo uu hoostago deegaanka dilka ka dhacay ay ku hawllan yihiin sidii loo joojin lahaa xiisada maanta ka taagan Deegaanka HORUFADHI ee Maamulka Puntland.