MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Booliska ayaa xalay waxaa ay Howlgal sameeyeen degmada Howl-Wadaag ee gobolkan Banaadir ayaa waxaa la sheegay inay toogasho ku dileen Nin hubeysnaa oo la sheegay in uu burcad ahaa halka kuwo kale ay gacanta ku dhigeen.

Howlgalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay sida la sheegay,kadib markii qaar kamid ah Shacabka degmadaasi ay ka cawdeen kooxo hubeysan oo Burcad ah oo mararka qaar dhac u geysanaya.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska howlgalka fuliyay ayaa sheegay in Kooxaha burcada ah qaarkood ay dagaalameen,taas oo sababtay in mid kamid ah ay toogtaan mid kalena ay Nolosha ku qabtaan.

Waxaa uu sheegay in raggaasi ay ahaayeen kuwo xilliyada qaar dhac ka geysanayay xaafadaha degmada Howl-Wadaag,isla markaana howlgallada Ciidamada ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga sifeynayo Kooxaha Burcada ah.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ragga Burcad ah ay ku labisnaayeen dareeska Ciidamada Dowladda sidoo kale wateen Mooto Bajaaj iyo laba qori oo AK47 ah,kuwaas oo dadka ay ku dhici jireen.

Degmooyin ay kamid yihiin,Hodan, Howl-Wadaag, Dharkenley iyo Wartanabada ayaa maalmihii la soo dhaafay dadka ku nool waxaa ay cabasho ka muujinayeen Kooxo Burcad ah oo habeen iyo maalin dhac u geysanaya.