MUQDISHO-AYAAMAHA-Aroornimadii saaka ayaa Askari katirsanaa Ciidanka dawlada Soomaaliya waxaa ay Dableey Hubeysan ku dileen Magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Geed jaceyl iyadoo askariga la dilay Meydkiisa in cabaar ah yaallay goobta lagu khaarajiyey.

Goob joogayaal waxay Warqaad usheegeen in kooxda dilka geysatay ay wateen Bajaaj ayna Qori AK47 Jawaan kusoo qarsadeen Dilka kadibna ay ka baxsadeen Meesha.

Ciidamo katirsan Dawlada Soomaaliya ayaa goobta gaaray iyadoo Meydka Meesha ka qaaday.

Ma ahan markii ugu horeysay oo lagu dilo Askar katirsan Ciidanka Dawlada Soomaaliya gudaha Magaalada Muqdisho.