MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku ammaanay ilaaladiisa qaabka ay ula tacaaleen dadkii Jimcihii ku hor mudaaharadaayay Aqalka Cad , dadkaas oo ka careysnaa dilka nin madow ah oo aan hubeysneyn oo uu askeri ka tirsan booliska ku dilay magaalada Minneapolis.

Aqalka Cad ayaa si ku meel gaar ah loo xiray markii dibadbaxayaal carreysan ay soo hor dhoobteen. Ilaalada madaxweynaha ayaa xiray albaabada laga gala iyo kuwa laga baxa ee Aqalka Cad.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay n dibadaxayaasha haddii ay isku dayaan inay soo galaan “laga horkeeni doono eeyo arxan daran iyo hubka ugu xumaa ee aan abidkey arkay”

Waa mid ka mid ah hadalladii ugu dambeeyay ee uu Turmp jeediya oo loo arki kara inay sii hurin karaan dibadbaxyada. Jimcihii ayuu sheegay “booka haddii uu billowdo, toogashada ayaa iyadana billaabani”.

Mar sii horreysay dibadbaxayaal careysan iyo booliska ayaa isku dhacay magaalooyin badan oo ku yaalla Mareykanka.

Guddoomiyaha gobolka Minnesota ayaa masiibada dilka George Floyd ku tilmaamay inay isu bedashay “kharbudaad si ula kac ah loo sameynaya”

New York, Atlanta iyo deeganno kale ayay xasillooni darrada ku baahday.

Masuuliyiinta ayaa shaaca ka qaaday inay xilka ka qaadeen askeriga dilay ninka islamarkaana la xiray, dambi dil ahna si rasmi ah loogu soo oogay.