MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka arimaha dibadda Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa sheegay in cunaqabataynihii Qaramada Midoobay hore u saartay Iran dhamaantood haatan dib loo soo celiyey oo ay dhaqan gal yihiin.

Waxuu sheegay in uu ku rajo weynyahay in dhamaan dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay u hogaasami doonaan arintaas, hase yeeshee dalal badan ayaa ku nuuxnuuxsaday in aanay Washington xaq u lahayn inay sidaa u hadasho maadaama oo ay qudheeduba ka baxday heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka ee Iran lala galay 2015.

Dhanka kale wargeysyada ka soo baxa Ingiriiska kuwooda ugu maga dheer ayaa wax ka qoray xiisaddan ku soo korodhay xidhiidhka Maraykanka iyo Iran oo markiisa horba aad u cakirnaa.

Wargeyska The Independent, ayaa cadadkiisii maanta soo baxay ku waramay in maalmaha soo socda la filayo in Maraykanku culays dheeraad ah saaro Iran.

Culayska Maraykanku damacsan yahay inuu saaro dalkaas ayaa waxa ka mid ah in maraakiibta dagaalka ee Maraykanku ay biyaha caalamiga ah ku joojiyaan maraakiibta xamuulka ee Iran. Arintaas oo la ogyahay in ay uga sii dari doonto xiisadda murugsan ee haatan ba dhex taal labada dal.

Wargeysku wuxuu intaa ku daray in Washington damacsan tahay in ay cunoqabayno ku soo rogto iyo sidoo kale culays dheeraad ah, kuwaas oo xad gudub badheedh ah ku ah qaraarrada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee diidaya in xayiraado dheeraad ah la saaro maamulka Iran, maadaama oo [Maraykanku] ka baxay heshiiskii nukliyeerka Iran ee sannadkii 2015.

Wargeysku waxa kale oo uu ka soo xigtay u qaybsanaha Maraykanka ee arimaha Iran iyo Venezuel, Elliott Abrams, in uu yidhi “talaabooyinkan la qaadi doonaa kuma koobna oo keliya Iran e, waxay se sidoo kale abaarayaan xukuumadda Nicolas Maduro ee Venezuela”.