Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale diiday eedaymo sheegaya in uu faro xumeeyay haweenay sagaashameeyadii, isaga oo sheegay in uusan nooceeda oo kale ka helin.

Trump ayaa sheegay E. Jean Carroll ay been soo dhoodhoobtay marka ay sheegtay in uu ku weeraray bakhaar New York ku yaalla.

“Aniga oo ixtiraam badan muujinaya waxaan lee yahay marka koobaad nooceeda kama helo. Marka labaad arrintaasi ma dhicin, marnaba ma dhicin.” Ayuu yiri Trump oo la hadlay wargeyska The Hill.

E. Jean oo 75 jir ah ayaa eedayntan ku qortay jariidadda New York Jamcihii aan ka soo gudubnay.

Iyadoo oo markaas ka dibna waraysiyo siisay CNN iyo MSNBC ayay haweenaydan qoraaga ah sheegtay in ay ka baaraan dagayso in ay dacwad ku soo oogto Trump.

E. Jean ayaa noqonaysa haweenaydii 16 ee Trump ku eedaysa faroxumayn ama tacaddi galmo la xiriirta.

Waa maxay eedaynta ay soo jeedisay E. Jean Carroll?

Waxay sheegtay in weerarka ay ku eedaynayso uu ka dhacay bakhaarka Bergdorf Goodman oo ku yaalla Manhattan dhammaadkii 1995 ama horraantii 1996-dii markaas oo ay isku dhaceen iyaga oo dukaamaysanaya.

E. Jean Carroll