MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda arrimaha dibedda dalka Turkiga ayaa war kasoo saartay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay afaafka hore ee xerada tababarka ciidamada Soomaaliya ee Turkisom.

Qoraal lagu baahiyey bogga wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa ugu horeyn lagu cambaareeyay qaraxaas ka dhacay xarunta tababarrada ciidamada ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho.

Sidoo kale Turkiga ayaa tacsi u diray qoysaska iyo Ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay agagaarka Akadeemiyada Tababarka Ciidamada ee Turksom ee Magaalada Muqdisho.

”Waxaan la qeybsaneynaa murugada saaxiibadeena iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, waxaan u rajeyneynaa naxariistii Allah ee kuwa naftooda ku waayey inta uu socday weerarka, waxaan tacsi u direynaa qoysaskooda”. ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay Turkiga.

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay qaraxa, halka laba kalena dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaadka, waxaana Mas’uuliyada qaraxaas sheegtay Al-shabaab, iyagoo tilmaamay in xubno ka tirsan iyaga ay isku qarxiyeen bar Koontarool ay ku sugnaayeen ciidamo tababar loo qaadanayay.