U jeedka safarka Yuusuf Daba-geed ee Buulo-Burte

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Ujeedka socdaalka Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa waxaa uu yahay sidii uu xariga uga jari lahaa Xarunta Taliska qeybta 27-aad ee degmada Buulo-burte uu ka daah-furi doono halkaas oo ka dhaceyso Munaasabad.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa socdaalkiisa ku wehlinaya Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Maamulka, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Saraakiil ciidan, kuwaasi oo ka ambabixi doona Baladweyne.

Yuusuf Daba-geed ayaa inta uu joogo degmada waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Maamulka Buulo-burte, Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada, isagoona kala hadli doona amniga iyo xaaladda guud ee deegaanka