Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa waxa uu safar aan hore loo sii shaacin ku gaaray maanta oo Khamiis ah Magaalada Boosaaso.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahaan ku sugan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
U jeedada wafdiga Axmed Madoobe u tegay Boosaaso ayaa waxaa lagu sheegay inay halkaasi kulan wadatashi ah oo ay looga hadli doono xaalada siyaasadeed ee dalka & Arrimaha doorashooyinka soo socda.

Waxa uu kulan la leeyahay madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Dani oo maalmahaan kusugnaa Boosaaso.

Inkastoo shirkooda albaabada uxiran yahay hadana waxay kawada hadlayaan Danaha Labada Maamul,Doorashada 2021-ka Dalka ka dhaceysa,Dagaalka Al Shabaab iyo Iskaashiga oo lasii xoojiyo.