BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Magaalada Beledweyne ayaa waxaa Xalay safar dhinaca dhulka ku gaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga  Genaraal Odawaa Yuusuf Raagge, kadib markii uu ka ambabaxay gobolka Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa ka hortagay Taliyer Odawaa, iyagoona ku soo dhaweeyay Magaalada Beledweyne, waxaana loo galbiyay Xerada Ciidanka lamagalay ee magaalada Beledweyne.

Taliyaha ciidanka xoogga ayaa waxaa uu abaabul dagaal ka bilaabay deegaano ka tirsan gobolka hiiran.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku daryaaan in saacadaha soo aadan lagu wado inuu booqdo saldhigyada ay ciidamada xoogga ku leeyihiin gobolka Hiiraan