MUQDISHO-AYAAMAHA-Lammaanahaaga oo aad weydaayi waa masiibo aad u weyn. Haween badan oo ku nool daafaha dunida gaar ahaan dalalka soo koroya marka ay waayaan raggoodii waxay halgan dheer u galaan sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyahah qoyska, iyaga oo ay tahay in ay buuxiyaan booskii seeyga geeriyooday, waxaa kale oo ay tahay in ay difaacaan xuquuqdooda iyo sumcadooda.

Tan iyo markii cudurka COVID-19 uu ka dilaacay dunida xaaladdu way ka sii dartay iyadoo rag badani ay dhinteen taasoo tobannaan kun oo haweena ka dhigtay garoob ama Carmal.

Waxa la qiyaasaa in 258 milyan oo haweena oo ku nool dunida oo dhan ay yihiin maanta garoob kuwaas tobankii carmala ay midood ku nooshahay saboolnimo aad u hooseysa.

Hadaba Dunida maanta oo kale waxa laga xusaa maalinta caalamiga ah ee Garoobada.