Muqdisho-Ayaamaha-Magaalada Godey ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ka dhacday Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Ururka ONLF oo ay ku tartameen laba Musharax.

Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Maadey ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Ururka ONLF, kaasi oo kamid ahaa aas-aasayaasha Ururka.

Maadey ayaa ka mid ahaa asaasayaashii ururka ONLF, wuxuuna ku jiray Guddiga fulinta.

Ururka ONLF ayaa muddo dheer ku jiray halgan uu ku doonayay in ku xoreeyo deegaanada Soomaalida Itoobiya balse waxay heshiiyeen dowladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, markii laga saaray liiska argagixisada kaddib isbaddalladii ka dhacay dalka Itoobiya.