MUQDISHO-AYAAMAHA-Dawlada Qatar ayaa la sheegaya in dhaqaale siisay Dawlada Federaalka si loogu soo saaro dib usoo laabashada Xukunka Madaxweyne Farmaajo.

Xukuumada Doxa oo ah Taageerada ugu weyn Xukuumada Nabad iyo Nolol siisa ayaana la sheegay in dhaqaale ay ku tabarucday.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Lacagtaan ay sidoo kale dhaxal siisay Dawlada Soomaaliya inay dagaal dadban ku qaado Dawlada Imaaraat-ka Carabta.

Weli Xurguftii udhaxeysay Imaaraat-ka iyo Qatar waa ay taagan tahay iyadoo Dagaalkooda kusoo biyo shubmay gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay Xalay in Shirkada DP World Ee Imaaraat-ka laga leeyahay ay ku xad gudubtay Qaranimada Soomaaliya.

Ilaa hadda ma jirto War kasoo baxay Shirkada DP World oo looga hadlayo Arimahaasi.