Muqdisho-(Ayaamaha)-Xog gaar ah ee aan helnay ayaa waxaa ay sheegaysaa in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay xaalad adag soo wajahday kadib cadaadis dhinaca dhaqaalaha ah oo ay kala kulmeyso Beesha Caalamka.
Dowladda Soomaaliya ayaa go’aan adag oo aan looga baran Dowladihii ka horeeyay ka qaadatay arrimo xasaasi oo ay ka mid tahay Go’aankii lagu ceyriyay Haysom oo Qaramada Midoobay ay ka xumaatay ceyrintiisa.

Wararku wxaa ay sheegayan in Qaramada Midoobay ay joojisay lacagihii bil kasta ay usoo diri jirtay Dowlada Soomaaliya tan iyo markii la ceyriyay Haysom, waxaana sidoo kale lacago ay Villa Somalia ku caaawin jireen joojiyay Dowlado saaxiib dhow la ahaa Soomaaliya sida Turkiga iyo Sacuudiga.

Bilihii u dambeeyay Dowladda Soomaaliya ayaa soo wajahday dhaqaale xumo la sheegay in bilaha soo socda ay banaanka usoo bixi doonto, iyadoo laga cabsi qabo in Dowlada ay bixin weyso Mushaaraadka Shaqaalaha iyo qaar ka mid ah Ciidamada oo ay hada Mushaar siiso.

Horey ayaa looga digay cawaaqib xumo iyo saameyn ka dhalan karta Go’aanada qaar oo aan ku habooneyn in hada Soomaaliya ay gaarto maadaama dalka uu ku tiirsan dhaqaalaha iyo kaalmada Beesha Caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hada waxaa ay wadaa dadaalo oo ay ku dooneyso inay ku hesho lacago shirar dhowr ah oo loogu balanqaaday oo ilaa iyo hada aan akoonka loogu soo shubin.