Muqdisho-Ayaamaha-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xildhibaanadda Cusub ee Baarlaamanka maamulka Galmudug lagu xiray sharuudo adag.

Qorshahaan waxaa wada shaqaale ka tirsan Xafiiska Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Magaaladda Dhuusa-mareeb.

Xildhibaanadda ayaa loo diiday in la siiyo kaarka aqoonsiga, illaa iyo inta ay ka soo dooranayan musharaxa, ay dowladda u waddo inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanadaan ayaa waxaa lagu xujeeyay inay codka siiyaan musharax, ay u sheegeen inay dowladdu wadato, haddii kalena aanay wax kaar ah heli doonin.

Sida sharciga ah Xildhibaanka codeynaya ayaa looga baahan yahay inay haystaan kaarka aqoonsiga, haddii aanay kaarkaasi haysana ay la macno tahay, inaanay codayn karin.

Dhanka Musharixiinta Galmudug ee ku sugan Dhuusa-mareeb ayaa walaac ka muujiyay in kaarka aqoonsiga aan la siinin Xildhibaanadda Cusub ee Baarlaamanka maamulka Galmudug.