Muqdisho-(Ayaamaha)-Maanta gelinkii dambe ayaa Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya waxaa uu iska horimaad uu ku dhexmaray Isgoyska Maana-Booliyo ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo Milateri iyo kuwo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa iska horimaad dhexmaray,isla markaana isku adeegsaday hubka culus,iyadoona laga maqlayay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Iska horimaadka ayaa waxaa lagu gubay gaari nooca dagaalka uu ahaa Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Xildhibaanada Golah Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,kaasi oo lagu dhuftay Bam Bacmeed.

Ilaa 4 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhimatay iska horimaadka oo labad kamid ah ay yihiin Ciidankii dagaalmay,halka labada kalena ay ahaayeen dad shacab ah oo xiligaas ku sugnaa halkaasi.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo ay uga hadlayaan iska horimaadkii galabta ka dhacay isgoyska Maana-Booliyo ee Magaalada Muqdisho