Muqdisho-Ayaamaha-Axada oo taariikhdu ay tahay 08-12 ee sanadka 2019 ayaa waxaa lafilayaa in labo wasiir oo kamid ah wasiirada Xukuumada kheyre ay hor yimaadaan Xildhibaanada Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirada Amniga Gudaha iyo wasaarada Gaadiidka & Duulista Hawada ayaa looga yeeray Kulanka golaha shacabka si su’aalo looga weydiiyo arrimo la xariira howlaha Qaranka u igmaday.

Wasiirka Amniga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Buukar islow ducaale ayaa su aalaha horyaala waxaa kamid ah, Amniga magaalada Muqdisho iyo wadooyinka xiran ee Magaalada.

Inta badan Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay yihiin kuwo xiran, taas oo shacabka Muqdisho ay dhibaato fara badan ku hayso xirnaashaha Wadooyinka.

Sidookale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad, Oomaar ayaa isna waxaa la filayaa inuu horyimaado kulanka Xildhibaanada golaha shacabka.

Su’aalaha Wasiir Oomaar horyaalaa ayaa waxaa kamid ah xayiraadii lasaaray Duulamaadyadii aadi jiray Magaalada Kismaayo iyo sidookale xayiraadii wafdigii madaxweynihii hore ee sheekh shariif sheikh axmed.

Xeer-hoosaadka golaha shacabka ayaa faraya xildhibaanada in maalinta Axadda ay tahay maalinta la xisaabtanka hay’adaha fulinta.