Waa Kuma Ciyaaryahanka Guusha U Soo Hoyiyay Galmudug?.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Cayaaraha Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maraya nus dhamaadka, waxaana galabta wada ciyaaraya gobollada Banaadir iyo Koonfur Galbeed.

Kooxda maanta soo badisa ayaa waxay fiinaalka isku arki doonaan Kooxda Maamul goboleedka Galmudug oo iyadu shalay iska xaadirisay ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka.

Hadaba waa kuma ciyaaryahanka guusha u soo hoyiyay Galmudug ee Maxamed Maxamuud Sarqaawi?

Ciyaaryahankan waxa uu ku dhashay magaalada Bosaaso, oo ah halkii uu ka soo bilaabay kubadda Cagta. Haatan waxa uu u dheelaa Kooxda degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Sarqaawi ayaa sheegay in Galmudug ay cayaartiisa ku arkeen kooxda degmada Hodan, waxa uuna uga mahadceliyay fursadda qaaliga ah ee ay siyeen.

“Run ahaantii Galmudug markii ay xulanayeen cayaartooyda ku mataleysa tartanka, ima aysan weydin halka aan ka soo jeedo, waxaana taasi ku mahadsan oo ku ammaanan macallimiinta kooxda.”

Isagoo ka jawaabaya su’aal la weeydiiyay oo ay ahayd in mustaqbalka uu u ciyaarayo Puntland ama Galmudug ayaa waxa uu sheegay inuu u ciyaari doono maamul goboleed kasta oo uu fursad ka helo.

“Aniga waxaan ahay Soomaali, dhammaanteen walaalo ayaan nahay marka meel kasto oo ay Soomaali jooto oo aan fursad ka helo waa iskugu kay mid.”

“Kubadda waa is dhexgal umana baahna in lagu saleeyo halka aad ku dhalatay, sababtoo ah muhiimaddu waa in aad ka cayaarto halka ay xirfaddaada kubadda ku hormareyso amaba lagaa rabo. Aniga inaan kubaDdeyda hormariyo unbaa i geysay Galmudug.”

“Aniga hamigeygu inaan Maamul Goboleed uUn u dheelo wuu ka weynaa oo waxa uu ahaa inaan Qaranka Soomaaliya u safto oo aan mar uun matalo.”