Waa Kuma Jenaraalka Loo Dhiibay Hogaaminta Ciidamada Amxaarada?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sareeye Guuto Tefera Mamo ayaa loo magacaabay abaanduulaha ciidamada gaarka ah ee deegaanka Amxaarada. Xilkan ayaa waxaa maalmo ka hor u magacaabay madaxwayanaha gobolka Amxaarada, Agenehu Teshager,.

Warbaahinta ismaamulka Amxaarada ayaa sheegtay in saraakiil kale iyaguna loo magacaabay inay hogaamiyaan laamaha amaanka ee gobolkaasi.

Sareeye Guuto Tefera Mamo Tefera Mamo ayaa waxaa uu ka mid ahaa saraakiisha ciidamada militariga Itoobiya ka hor intii aysan xabsiga u taxaabin TPLF oo ku eedeeysay inuu isku dayay in uu afgembi xukunka kaga tuuro ra’iisul wasaarihii geeriyooday ee Meles Zenawi.

Jananka ayaa xabsiga laga siidaaya ka dib markii uu xukunka la wareegay Abiy Axmed, waxaana loo magacaabay in uu hogaamiyo laamaha ammaanka gobolka Amxaarada, balse xilkaasi ma noqon mid muddo dheer uu si hayo.