Waa kuma madaxweynaha cusub ee dalka Iran?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Musharax lagu tilmaamay mid mayal adag ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtinimada dalka Iran oo inta badan la tiriyay codadkii la dhiibtay.

M/weynaha cusub ee dalka Iran oo la yiraahdo Ibraahim Ra’isi ayaa lagu tilmaamay inuu aad ugu ad adagyahay go’aanada ah inaan laga labo labeyn in Iran hesho hub nukliyeer ah.

Ra’isi oo ka tirsanaa waaxda garsoorka Iran waxaana uu ahaa muxaafid aad u taageera wadaadka Ayatullahi Cali Khumanay la yiraahdo.

Waxaa uu ku jiraa liiska xubnaha Iraniyiinta ah ee Maraykanku horey u cunaqabateeyay.

Ibraahim Ra’isi oo 60 sanno jir ah waqtigiisa ugu badan waxaa uu ku soo qaaday waaxda garsoorka Iran waxaana uu horey u balanqaaday inuu wax ka qabanayo musuqmaasuqa dhibaatada dhaqaale ee dalkaas ka jirta.

Guddoga doorashada Iran warbixin ay soo saareen waxay ku sheegeen in 90% la tiriyay codadkii la dhiibtay uu helay codadka ugu badan Ibraahim Ra’isi oo guddigu sheegay inuu noqon doono m/weynaha badalaya Xasan Rooxaani.