MUQDISHO-AYAAMAHA-Bishii Jeeniweri 2007, Peter Strzok wuxuu dhex fadhiyey qol ku yaal xarunta FBI oo wuxuu ka qayb galayey dood lagu gaadhay go’aan laga qaatay arin ku cusbayd. Waxay arintu ahayd baadhintaan ma lagu bilaabi karaa ninka haatan uun loo caleemo saaray madaxtinimada Maraykanka?

Waxa taagnaa su’aalo adag oo ahaa sharciga talaabadani ma waafaqsantahay, yaa ansixiya in baadhitaan noocaas ah la bilaabi karo? laakiin waxa sidoo kale muuqday arimo cad oo aan la dhaafi karin.

“Waxaan u jeedaa sidee ayaad baadhitaan ugu bilaabi kartaa qof dalka madaxweyne ka ah? Sababta oo ah xataa baabuurta ilaaladiisa ma raaci kartid iska daa diyaaradda madaxweynahee. Si qarsoodi ah kuma gali karti xafiiska madaxweynaha ee Oval Office oo iskama dhigi kartid qof xashiishka ka soo qaadaya.”

Baadhitaanku waabu socday dhawr bilood oo Trump olole ku jiray Strzok na waxaa la siiyey magac af-garasho oo ah eray laga soo qaatay heesta ay qaadaan kooxda Rolling Stones ee la yidhaa Jumpin’ Jack Flash oo ah Crossfire Hurricane.

Ololaha Trump waxa baadhitaanka lagu bilaabay 2016 markii warbixin ka timid London oo ahayd in danjiraha Australia uu kula kulmay qof la taliye u ah Trump goob khamriga lagu cabo oo magaaladaas ku taal kuna yidhi sida la sheegay in Ruushku danaynayo inuu la shaqeeyo oo uu siiyo xog dhaawici karta sumcadda Hillary Clinton.

Strzok waxa xadidayey sharciga FBI ee ku saabsan hubsiinaha ama faaqidaada doorka UK ama socdaalka uu ku tago karo dalkaas. Arin kale ayaa jirtay oo UK aad uga welwelsanayd taas oo ah in ay dhici karto in lagu shaabadeeeyo in ay faraha la gasho arin Maraykanka u gaar ah.

Badhatamihii bishii Sebtember ayaa FBI waxay heshay warar taxane ahaa oo uu diyaariyey sarkaal ka tirsan sirdoonka Ingiriiska ee MI6 oo l ayidhaa Chris Steele, kuwaas oo mar kale tibaaxay in uu jiro xidhiidh qarsoodi ah oo ka dhexeeya ololaha Trump iyo Moscow.

“Run ahaantii wararkaasi wax badan bay sii cadeeyeen oo ah arimo badan oo ah kuwii aanu tuhunsanayn” ayuu yidhi Strzok. “Waxa dhici karta in dulucda arintaasi sax ahayd ama aanay sax ahayn ama aanaan anagu garan karayn. Laakiin guud ahaan sida xogtu wax u tibaaxaysay waxay ahayd wax is haysta oo waafaqsan sidii aan anaguba u haysanay”.