Waa kuma saaxiibka Trump ee loo haysto inuu u shaqeynayay Imaaraadka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hantiile Thomas Barrack oo ay muddo dheer saaxiibbo ahaayeen madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa lagu xiray Los Angeles, isagoo loo haysto in uu u shaqeynayay dowlad shisheeye.

74 jirkan asaasay shirkad ka shaqeysa maalgashiga ayaa la taliye sare u ahaa madaxweynihii hore xilliguu uu socday ololihii 2016, waxaana lagu tilmaamaa inuu kamid yahay dadka dhaqaalaha ugu badan ku bixiyay Trump.

Barrack ayaa lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah ugu ololeynayay Isutagga Imaaraadka Carabta xilligii uu xukunka hayay Trump.

Afhayeen u hadlay ninkan maalqabeenka ah ayaa sheegay in Barrack uusan qiran doonin dacwadaha loo haysto.

Waxa uu kamid yahay tiro mas’uuliyiin Trump la shaqeysay oo dowladda Federaalka Maraykanka ay ku soo oogtay dacwado.

Waxaa Barrack si gaar ah loogu haystaa inuu maleegay qorshayaal loogu shaqeynayo dal shisheeye, uu hareer maray cadaallada, isla markaana marar badan been u sheegay hay’adda FBI oo waraysi la yeelatay sanadkii 2019.