Muqdisho-Ayaamaha-Villa Soomaaliya ayaa Mudooyinkii dambe waxaa ay ku mashquulsaneyd soo xulista qofkii bedeli lahaa Allaha u naxariistee guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan En. Yariisow oo ku geeriyoody qaraxii ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Waxaa isa soo tarayay magacyada dadka doonaya inay qabtaan xilka guddoomiyaha, waxaana codsiyadooda gudbistay ilaa toddobo qof oo laga soo reebay ilaa saddex qof.

Seddexda qof ayaa oo kala ah Abuukaate Cumar Dhagey, Axmed Washington, iyo Ustaad Faarax Cali Basar qofka ku guuleysta waxaa uu noqon doonaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Xog aan helnay ayaa waxaa ay sheegaysa in Ustaad Faarax oo ah aqoon yahan ahna macalin wax ka dhiga jaamacadaha ku yaala Magaalada Moqdisho kuna taqasusay culuunta waxbarashada, maamulka iyo maareynta, iyo amniga uu yahay qofka kaliya ee miiska saaran ee la filayo in dhawaan lagu dhawaaqo inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho.