Waa kuwama musharrixa loo saadaalinayo inuu ku guuleysan doono guddoomiyaha Aqalka sare?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoonka Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maalinta berri ah lagu wadaa in lagu doorto magaalada Muqdisho. Aqalka Sare ayaa ka kooban 54 xubnood kuwaas oosoo dooran doono shir guddoonka aqalkaas oo ka koobnaan doona guddoomiye, ku xigeenka koowaad iyo ka labaad.

Guddoomiyaha golaha waxaa ku tartamaya saddex senatar oo kala ah guddoomiyihii hore ee aqalkaas Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Wasiirka Dastuurka, Saalax Axmed Jaamac iyo wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta, Cismaan Abokor Dubbe.

Musharraxyadan oo ka soo jeeda dhammaantood gobollada waqooyi, ayaa la filayaa in midkood noqon doona guddoomiyaha aqalkaas maalmaha soo aaddan, kaas oo hoggaaminta afarta sano ee soo socota.

Haddaba saddexda senatar yaa ku guuleysan doono?

Musharaxa guddoomiyihii hore aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa dad badan aaminsan yihiin inuu marlabad ku soo bixi doono.

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sannadkii 2017-kii ku guuleystay doorashada gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Xildhibaanada codeeyay wakhtigaas oo ahaa 52-xubnood ayaa uu ka helay helay 43 ka mid ah codadkii la dhiibtay, halka xildhibaanka la tartamaayay ee Mustafe Qodax na uu helay sagaal cod oo keli ah.