Dhuusamareeb-Ayaamaha-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ka wadaa kulamo kala duwan oo ku saabsan dhismaha Galmudug iyo xulista Baarlamaanka Cusub ee Maamulkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay la kulmay hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan inay ka wada hadleen arrimaha la xiriira xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug iyo Xubnaha 20 ah ee la siiyey Ahlusunna oo beelaha qaar ay kasoo horjeesteen.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegaya in Macalin Maxamuud ka dalbaday inay Ahlu-Sunna dib u dhigato 20-ka xildhibaan ee la siiyey, islamarkaana mar hore odayaasha dhaqanka fursad loo siiyo inay soo xulaan 69-ka xildhibaan ee kale, iyadoo beel kasta ay iska reebeyso labo kursi markaas, kadibna ay Ahlu-Sunna soo xulato 20 keeda xubnood.

Arrintaan ayaa waxaa ka biyo diidan Ahlu Sunna oo horay u shaacisay liiska xildhibaanadeeda, balse waxaa lagu ballamay kulamo kale oo maanta qabsoomaya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la kulmay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka Ahlusunna,iyaga oo ka wada hadley Arimo ku saabsan Isku dhicii dhex marey ciidamada Dowlada iyo ilaalada Xarunta inji oo ah hooyga madaxda Ahlusunna wallow xal laga gaarey.

Dalabkaan Cusub ee RW Kheyre hordhigay Ahlusunna ayaa u muuqata mid Xalada sii cakirmeysa, waxaana tabashadaan ay ka dhalatay markii beelaha qaar ay ka hor yimaadeen 20-ka xildhibaan ee Ahlu Sunna.

Dhanka kale doorashada Maamulka Galmidug ayaa markale waxaa ku yimid dib u dhac, kadib khilaaf hareeyay hannaanka ay ku socoto doorashadaasi.