Muqdisho-(Ayaamaha)-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi  Maxamed Farmaajo ayaa maanta ka baaqaday munaaabada furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka oo la filayay in uu maanta furo.

Waxaa dad badan la yaab ku noqotay in Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu wakiisho Madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo isagoo u wakiishay furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare maadaama uu Kheyrre lahayn awood uu ku furo Kalfadhiga.

Munaasabada furitaanka kalfadhiga Aqalka sare ayaa u muquda kuwa aysan ka gadmin sababta uu Madaxweyne Farmaajo u wakiishay R/W Kheyre waxaana daqiiqado badan dib u dhac ku yimid kadib markii qaar kamid ah Senetarada kasoo horjeesteen in Ra’isul Wasaaraha furo lana hadlo .

Sikale hadii loo dhigo dastuurka Soomaaliya dalka waxaa ugu sarreeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ku xiga Guddoomiyaha Golaha Shacaka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi sababtoo ah waa 3da hogaamiya oo kaliya oo doorasho ku yimid halka Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu ku yimid magacaabis.

Uga dambeybtii gudoonka Aqalka sare ayaa  aqbalay in Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya furo kalfadhiga 5-aad ee Aqalka sare, waxaana munaasabada khudbadii Madaxweynaha badalkiisa ka jeediyay Ra’isul Waaare Kheyre.