Walanweyn-Ayaamaha-Xaalad deganaansho ah ayaa saakay laga dareemayaa degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo shalay uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay maleeshiyo kasoo jeeda ha beel,kuwaas oo isku-heystay Goob isbaaro ah oo ku taalla degmadaas,waxaana dagaalkaas ku geeriyooday hal ruux halka saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Dagaaladaas ayaa sidoo kale waxaa uu saameyn ku yeeshay Suuqii Degmada Wanla-weyn ee Gobalka Shabeelada hoose.

Degmada Wanlaweyn ayaa saakay waxaa laga dareemayaa  xaalad degan hayeeshee weli maleeshiyaadkii dagaalamay ay ishor-fadhiyaan,isla markaana mar walba la filan karo in uu dagaal dhaco.

Sidaan oo kale dhowr bilood ka hor ayaa maleeshiyaadkaas dagaalameen,waxaana halkaasi tegay oo xiisada dejiyay Xubno uu ka mid yahay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Shabeellada Hoose ayaan weli ka hadlay dagaalkii ka dhacay degmada Wanlaweyn.