Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay Safarkii Maanta Magaalada Baladweyne ay ku tageen Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif.

Maxamed Cabdi Waare oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xalay Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle uu ku wargeliyey Safarka labada Madaxweyne,balse ay jireen in qeyb kamid ah Garoonka Baladwyene ay biyo yaalleen.

Madaxweyne Waare ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay wararka baraha Bulshada lagu faafiyay ee ahaa in diyaaradii siday Madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo wafdiga la socday loo diiday inay ka degto Baladweyne, isla markaana la demiyay Raadeelka Garoonka Baladweyne.

Waare ayaa sidookale waxaa uu sheegay in Hay’adaha qaabilsan dhinaca Hawada,sida UN-Ka iyo AMISOM ay  ku wargeliyeen in xilligaan aan Garoonka diyaarad ku degi karin,isla markaana uu hadalkaasi la wadaagay Xasan Sheekh Maxamuud laakin uu ugu jawaabay hadal aan wanaagsaneyn.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in ay la xisaabtamayaan Shirkadda leh diyaaradii fulin weysay amarka ee qaaday wafdiga Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee geysay Magaalada Baladweyne,isaga sheegay inay ku xadgudubtay xirfadii duulimaadyada.