MUQDISHO-AYAAMAHA-Fannaaniinta Waayaha Cusub ayaa ka hadlay hees ay Khamiistii soo galiyeen barta Youtube-ka, taasoo in ka badan 60,000 oo dislike la saaray.

Erayada heestaas oo ay fannaaniintii ku luuqeynayay ka mid tahay Falis Cabti ayaa u muuqda kuwo lagu dhaliilayo dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa tan iyo shalay baraha bulshada ee Soomaalida qabsaday hadal-heynta heestan oo dadku ay siyaabo kala duwan uga hadlayeen.

Fannaanka Shiine Cabdullahi Cali (Akhyaar), oo wareysi siiyay BBC-da ayaa faahfaahiyay ujeeddada ay heestaan usoo saareen.

“Heesta waxaa sameeyay Waahaya Cusub, oo hadafkoodu ahaa wacyi galinta Ummadda Soomaaliyeed. Ujeeddada aan u sameynayna waa inaan Shacabka Soomaalida ah xilligan xasaasiga ah ee kala guurka lagu jiro ugu iftiiminno xaqiiqooyin badan oo jira iyo waxyaabo looga dhigayo dowladnimo, waana sababta keentay saameynta intaas la eg,” ayuu yiri.

Wuxuu Shiine sheegay in heestooda “ay dadka aad usoo dhaweeyeen, ayna ka fal celiyeen in ka badan 30,000 ilaa 40,000 oo ka hadlay”.

Shiine ayaa sheegay in ay qariyeen qeybta laga arko like-ga iyo dislike-ga ee muuqaalkaas, isagoo sharraxaya sababtana wuxuu yiri: “Sababta aan u xirnay like-ga iyo dislike-ga waxay ahayd inaan sida ay dadka ugu marin habaabinayaan, inay guul ka dhiganayaan oo ay muujinayaan in Waayaha Cusub ay shacabka Soomaaliyeed disle gareeyeen.”

Wuxuu dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay lacag ku bixisay sidii dislike badan loo saari lahaa muuqaalka heesta ay soo galiyeen Waahaya Cusub.

“Saacadihii ugu horreeyay si fiican ayaan ula soconnay, laakiin waxaan ognahay in 50,000 oo doolar ama 40,000 oo doolar ku dhawaad loo adeegsaday in lala dagaallamo xorriyatul qowlka, oo lagu soo iibsaday dslike sidoo kalena abaabul laga sameeyo baraha bulshada,” ayuu yiri.

Shiine Akhyaar oo aan weydiinnay su’aal ku saabsan faallooyinka qoraalka ah ayaa yiri: “Dadka aad leedahay youtube-ka ayey qoraal ka sameeyeen, aragtidooda waan soo dhaweyneynaa, laakiin waxaa xaqiiq ah in dad badan lacag lagu siiyay inay ol’ole ka sameeyaan baraha bulshada.”