Jowhar-Ayaamaha-Wadada U dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho Jowhar iyo tuulooyinka kale ee hoostaga ayaa la soo sheegayaan in ay gebi ahaanba xirantay isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa roob ka da’ay Gobolka Shabellaha Dhexe iyo fatahaada Wabiga Shabeelle waxaana jareen wadooyinka soo kala iyo kuwa ka baxa Magaalada Jowhar, iyada oo taasi ay ka dhasheen dhibaatooyin kala duwan.

Ganacsatada Magaalada Johwar ayaa waxaa ay sheegeen in Ganacsigooda uu hoos u dhac ku yimid,taas oo ay sabab u tahay xirnaanshaha wadooyinka oo dadkii uga imaan lahaa tuulooyinka aysan soo gelin Gudaha Magaalada, waxayna sheegeen in maciisha Magaalada Jowhar ay sare u kacday,isla markaana maalmahaan wax badeeco ah aysan uga imaan Magaalada muqdisho maadaama Gaadiidkii u keeni lahaa ay wadooyinka ka xireen Roobkii da’ay iyo fatahaada Wabiga Shabeelle.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow oo ah Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay inay la socdaan dhibaatooyinka Ganacsatada kasoo gaaray burburka wadooyinka iyo kuwa roobka iyo fatahaada ku xirmay.

Wasiir kuxigeenka ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay dedejiso dhismaha wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo jowhar si ay dhibaatooyinka uga baxaan Shacabka Jowhar.