Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa xaqiijisay inay wada geeriyoodeen dhammaan rakaabka iyo shaqaalahii saarnaa Diyaaraddii saakayto ku burburtay nawaaxiga Degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka K/bari kaga toosan magaaladda Addis Abeba.

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Boeing 737  kuna sii jeeday Magaaladda Nairobi ayaa la sheegay inay la socdeen Rakaab ka soo kala jeeda 34-Waddan iyo qof oo watay Baasaboorka UN-ka oo aan weli la sheegin dalka uu u dhashay.

Waxaa kaloo la shaaciyay tiradda dhimashada iyo dalalka ay u kala dhasheen rakaabkii saarnaa diyaarada bur burtay,isla  markaana ay ku geeriyoodeen ilaa iyo 157 qof.

Hoos ka Akhriso 

32 Kenyan

18 Canada

9 Itoobiyaan

8 Shiinees

8 Talyaani

8 Ameerikaan

7 Faransiis

7 Ingiriis

6 Masaari

5 Jarmal ah

4 Hindi

4 Slovakia

3 Australia

3 Ruush

3 Sweden

2 Spain

2 Morokaan

2 Israaiiliyiin

2 Poland

1 Sucuudiga

1 Somalia

1 Serbia

1 Nepal

1 Nigeria

1 Biljim

1 Ugandhiis

1 Yemeni

1 Sudaniis

1 Togo

1 Muzambiik

1 Norway

1 Indonesia

1 Ireland

1 Rwanda

1 baasaboor Qaramada Midoobay watay