MUQDISHO-AYAAMAHA-Wargeyska Global Firepower, oo sanad kasta isbarbardhig ku sameeya awoodaha milatariga adduunka ayaa soo bandhigay liis ay ku jiraan 138 waddan iyo sida ay u kala awood badan yihiin.

Qiimeynta uu wargeyskan sameeyo waxa uu u cuskadaa tirada hubka waddamadaas, ciidankooda iyo dhaqaalaha ay ku bixiyaan dhinaca dhismaha milatariga iyo howlahooda.

Kaalmaha ugu horreeya liiska ayeysan inta badan waxba iska baddalin sanad kasta. Hase yeeshee dalalka qaar ayaa sanad walba ku kala duwanaada awooddaas.

Afarta kaalmood ee ugu horreeya isma baddalin sannadihii lasoo dhaafay, waxaana ku kala jira dalalka kala ah:

  • 1- Mareykanka
  • 2- Ruushka
  • 3- Shiinaha
  • 4 Hindiya

Hoos u dhaca Turkiga

.

Turkiga ayaa markii ugu horreysay tan iyo sanadkan 2020-ka ka baxay liiska tobanka waddan ee ugu awoodda badan dhinaca milatariga Adduunka.

Laakiin Masar ayaa markan soo cidhiidhsatay 10-ka ugu horreeya, taasoo aan horay ugu suurtagalin.

Dalalka kale ee soo raaca liiska tobanka ka kooban ee uu hoggaaminayo Mareykanka ayaa kala ah:

  • 5- Japan
  • 6- Kuuriyada Koonfureed
  • 7- Faransiiska
  • 8- Ingiriiska
  • 9- Masar
  • 10- Brazil

Labadii sano ee lasoo dhaafay Turkiga wuxuu ku jiray kaalinta 9-aad, halka labadii sano ee kasii horreysayna uu ku dhammeystay kaalinta 8-aad. Laakiin sanadkan wuxuu soo galay kaalinta 11-aad.

Saameynta Sacuudiga

File photo showing members of the Saudi security forces march during a military parade in Mecca on 17 September 2015

Inta badan 25-ka dal ee sanad walba liiskan ugu horreeya ma sameeyaan isbaddal xoog leh. Qaarkood ayaa hoos u dhac sahlan sameeya, iyadoo kuwo kalena ay sare u kac aan sidaas usii saameyn badneyd sameeyaan.

Laakiin isbaddalka liiska sannadkan aad uga dhex muuqda waxaa ka mid ah in Sacuudi Carabiya ay markii ugu horreysay liiska uga sarreyo Israa’iil.

Boqortooyada uu maamulo Salmaan Bin Cabdul Casiis ayaa ku jirta kaalinta 17-aad halka Israa’iil oo ku xigta ay tahay waddanka 18-aad ee ugu awoodda badan caalamka.

Sanadkii 2016-kii, Sacuudiga wuxuu liiskan uga jiray kaalinta 24-aad halka Israa’iil ay ku jirtay kaalin aad uga sarreysa oo ah 16-aad.

Sanadkii xigay ee 2017-kii, Sacuudiga wuxuu kusii nagaaday kaalintiisii hore ee 24-aad, halka Israa’iil ay hal kaalin kor usii kacday, ayna gashay 15-aad.

2018-kii, Sacuudi Carabiya waa laga waayay 25-ka waddan ee ugu horreeya awoodda milatariga Adduunka, laakiin Israa’iil waxay kasoo muuqatay kaalinta 16-aad.

.

Sanadkii lasoo dhaafay, 2019-kii, Sacuudiga wuxuu si dirqi ah kusoo galay gaalinta 25-aad, halka Israa’iil ay ku jirtay kaalinta 17-aad.

Ilaa 25-ka waddan ee ugu horreysa liiska waxaa ku jira:

  • 11- Turkiga
  • 12- Talyaaniga
  • 13-Jarmalka
  • 14-Iiraan
  • 15- Pakistan
  • 16- Indonesia
  • 17- Sacuudi Carabiya
  • 18-Israa’iil
  • 19- Australia
  • 20- Spain
  • 21- Poland
  • 22- Vietnam
  • 23- Thailand
  • 24- Canada
  • 25- Kuuriyada Waqooyi

Soomaaliga ayaa sanadkan liiska ka kooban 138 waddan uga jirta kaalinta 136-aad. Labada waddan ee ka hooseeya Soomaaliya ayaa kala ah: Liberia iyo Bhutan.

BBCSOMALI/AYAAMAHA