Moqdisho-{Ayaamaha}-Magaalada Moqdisho waxaa maalintii labaad waxaa xiran waxaana saakay dadku mar kale ay ku waabariisteen Ciidamo taagan jidadka muhiimka ah oo celinaya gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ku sugan wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle kaas oo kulamo la qaadanayay madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha iyo mas’uuliyiin kale.

Dhanka kale Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa Maanta waxa uu ka qeyb galayaa kulan deg deg ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,isla markaana waxa uu ka jeedin doonaa Khudbad.