A barricade mounted by Somali policemen is seen along a road which was blocked to control motor vehicle traffic, during a security lock down in Somalia's capital Mogadishu, February 7, 2017. REUTERS/Feisal Omar

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maanta xiran waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho kuwaas oo loo diidayo in ay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay marka laga reebo gaadiidka ay wataan masuuliyiinta dowladda.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa lagu arkayaa waddooyinka xiran waxaana lagu wadaa in madaxda dowladda ay tagaan xarumo muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho sida Dlajirka Daahsoo,Tiyaatarka qaranka oo dib u dhis lagu sameeyay,iyada oo lagu waramayo in madaxweynugu uu xarigga ka jari doono maanta maaddama ay ku beegantahay 26-june.

Qaar ka mid ah waddooyinka xiran ayaa xitaa la arkayaa iyada oo ciidamadu ay u diidanyihiin in ay maraan dadweynaha waxaana ka mid ah waddooyinka soogala xarunta Daljika daahsoon oo lagu wado in madaxweynuhu tago si uu ubax u dhigo.