A barricade mounted by Somali policemen is seen along a road which was blocked to control motor vehicle traffic, during a security lock down in Somalia's capital Mogadishu, February 7, 2017. REUTERS/Feisal Omar

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Moqdisho ayaa waxay sheegayaan in wadooyinka qaar ay saaka xiranyihiin, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gaadiidka dagaalka ku jaray wadooyinka Magaalada.

Wadooyinka Saaka xiran waxaa ka mid ah Isgoysyada, Howlwadaag, Tarabuunka, wadada KPP illaa Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho, dadkana waxa ay yihiin kuwa lugeynaya.

Sidookale gaadiidka dadweynaha ayaa saakay waxaa loo diidayey iney kasoo gudbaan dhanka wadada Wadnaha, soona aadaan dhanka wadada aada Makka Al-mukarrama.

Dadka reer Muqdisho ayaa saaka lugeynaya Wadooyinka Magaalada, maadaama aan la ogoleyn in wadooyinka ay maran Gaadiidka.

Wadooyinka Magaalada Moqdisho ayaa maalintii labaad  xiran, waxaana sababta lagu sheegay in ay tahay in wali lagu jiro Howlgalka Qaraxyadii habeen hore ka dhacay.