Waddooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta xiran & doorasho dhaceysa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa saaka xiran qaar kamid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xiray dhinaca wadada Jubba laga soo bilaabo agagaarka Guriga Maxamed Dheere ilaa Isgoyska Ceelgaabta.

Ciidamada ayaa u diidaya Gaadiidka noocyadiisa kala duwan inay u soo gudbaan dhamaan waddooyinka gala dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Sababaha waddooyinka saaka loo xiray ayaa lagu sheegay in Maanta Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland in Dugsiga tababarka Booliska ee Janeraal Kaahiye ku qabanayaan doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa maalmihii la soo dhaafay ku howlanaa diiwaangelinta musharrixiinta Shanta kursi ee doorashadooda Maanta dhaceyso, kuwaas oo kala ah.

1. Hop#240 oo ay ku fadhiso Suri Diiriye Carab.

2. Hop#241 oo uu hadda ku fadhiyo Cabdirisaaq Daahir Maxamuud.

3. Hop#263  oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Muuse Saciid Jaamac

4. Hop#271 oo uu ku fadhiyo Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye

5. Hop#205 oo ay ku fadhiso Sahro Cabduqaadir Cabdiraxmaan

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa horay Muqdisho ugu qabtay doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka, sidoo kalena dhawaan ay qaban soonaan doorashada kuraas kale.