Muqdisho-(Ayaamaha)-Magaalada Muqdisho  Wadooyinka qaar ayaa Maanta waxaa ay yihiin kuwo xiran,waxaana lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ciidanka Booliska Soomaaliya oo wata gaadiidka Dagaalka ayaa waxa lagu arkayaa Wadooyinka iyagoo taagan,waxaana dadka iyo gaadiida gaarka loo leeyahay u diidayaan in ay isticmaalaan wadada,iyagoona dadka ay yihiin kuwo lugeeynaya.

Magaalada Muqdisho wadooyinka Ciidamada ay xireen ayaa waxaa kamid ah Isgoyska Banaadir, Soobe, Tarabuunka, Howl-wadaag, iyo wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Maka Al-mukarama iyo kuwo kale oo aad ugu muhiimsan isku socodka.

Si kastaba Shacabka kunool Gobolka Banaadir ayaa dhibaatooyin ku qaba xiliyada ay xiran yihiin wadooyinka Magaalada, iyagoona goobahooda ganacsiga iyo Waxbarashada ku tega Cagtooda.