Qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran,waxaana lagu arkayaa Ciidamada Amaanka Dowladda.

Isgoysyada Magaalada Moqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay maraan wadada,iyadoo dadka qaar ay lugeynayaan

 

Isgoysyada saaka xiran waxaa kamid,  Isgoyska Tarabuunka,Taleex Banaadir,Wadada 30-ka,gebi ahaan Wadada Maka Al-mukaraha iyo kuwo kale oo aad u muhiim ah,waxaana dadka Shacabka ah ay yihiin kuwa lugaynaya.

 

Sababta loo xiray wadooyinka ayaa lagu sheegay in maanta Muqdisho la keeni doono Saacadaha soo socda Meydka Wasiirkii Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil,isla markaana Aas qaran loo sameeyn doono,iyadoona ay ka qeyb geli doonaan Madaxda ugu sareeysa dowlada Soomaaliya.