Waxaa lagu soo waramayaa in Ciidamada amaanka ee Dowladda Soomaaliya  saaka ay xireen qaar ka mid ah wadooyinka waa weyn ee Magaalada Caasimada Muqdisho.

Inta badan Shacabka Moqdisho ayaa saakay lug ku maraya wadooyinka xiran, halka gaadiidka ay isticmaalayaan wadooyin kabaxsan laamiga.

Wadooyinka saaka xiran ayaa ka mid ah Isgoosyada Ex-kontorool Afgooye, Banaadir, Soobe, iyo wadada ugu muhiimsan ee Waddada Maka Al-Mukarrama ee Magaalada Moqdisho.

Xogta aan hrlayno sheegaysa in sababta saakay wadooyinka loo xiray ay tahay in maanta la filayo in R/Wasaaraha Xasan Cali Kheyre uu dhagax dhigi doono mashaariicda Qatar ay ku dhisayso wadooyinka isku xirta Afgooye iyo Muqdisho iyo wadooyinka gale.

Waxaa Warbaahinta loogu yeeray Xafiiska R/Wasaaraha Soomaaliya, waxaana la filayaa in R/Wasaare Xasan cali Kheyre uu dhagax dhigo dhismaha lagu sameynayo wadooyinka Soo gala  Magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Horay ayay Dowladda Qatar u balanqaaday in ay dhisayso wadooyinka Magaalada soogala.