A general view shows a street which was blocked to control motor vehicle traffic, during a security lock down in Somalia's capital Mogadishu, February 7, 2017. REUTERS/Feisal Omar

Muqdisho-Ayaamaha-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in ay furto Wadooyinka ku yaalla Gudaha Caasimadda ee xiran.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in Shacabka caasimadda dhibaatooyin Culus ay ku qabaan xirnaanshaha wadooyinka ku yaalla Gudaha Caasimadd.

Wasiir Islow ayaa sheegay in dhawaan la qaadi doono dhagaxaanta yaalla isgoysyadda Gudaha Muqdisho, islamarkaana la geyn doono Kontrooladda laga soo galo Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in ay diyaariyeen qorshihii lagu qaadi lahaa dhagaxaanta, islamarkaana dadka reer Muqdisho laga doonaayo in ay muujiyaan dulqaad si loo dhameystiro qorshaha socda.

Dadweynaha kunool Muqdisho ayaa wajahay xaalad adag oo noloshaha ka dib markii dowladda Soomaaliya sanadyadii lasoo dhaafay ay xirtay inta badan wadooyinka ugu muhiimsan Caasimadda.