Wafdi hordhac u ah Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Kismaayo iyadoo la rajeynayo inuu gaaro ra’iisul Wasaaraha.

Wafdigan gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah ciidamada qaaska u ah ra’iisul wasaaraha iyo weliba shaqaalaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Xasan Cali Kheyre iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay beri oo Jimce ah gaaraan magaalada Kismaayo iyadoo haatan laga dareemayo magaalada Kismaayo qabanqaabada boqoashada ra’iisul wasaare.

Jubbaland ayaa heshiis la gaartay dowlada federalka waxana booqashada ra’iisul wasaare Kheyre ay la xiriirta sidii loo soo afjari lahaa khilaafka hore ugaga dhexeeyey Maamulka Jubbaland iyo Dowlada Federalka Soomaaliya.