Dooxa-(Ayaamaha)-Wafdi sare oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka qayb galay shirka midowga Baarlamaannada Adduunka ayaa ka qayb-galay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen Guddoonnada Baarlamaannada Adduunka oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qayb-galay in ka badan 40 Guddoomiye Baarlamaan, iyada oo uu kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shuurada Dowladda Qatar M.ne Axmed Bin Sayid Al-Maxamuud iyo Guddoomiyaha Midowga Baarlamaannada Adduunka Marwo Gabriela Barron.

Sidookale Kulankan ayaa waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo wax ku ool ah oo ku saabsan kaalinta goleyaasha Baarlamaanku ku leeyihiin horumarinta Dimiqoraadiyadda iyo caqabadaha hortaagan dhaqan gelinta nidaamka Dimoqoraadiga.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo gaargaar ah laqaatay qaar kamid ah Guddoonada dalalka kasoo qeyb galay shirkaas.