Garoowe-(Ayaamaha)-Wafdiga uu hogaaminaayo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee BFS Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ay ku jireen Xildhibaano Golaha Shacabka ka tirsan iyo Guddoomiyaasha Golayaasha Wakiiladda ee Maamul Goboleedyada Dalka ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Garoowe kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Maamul Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiiladda Puntland.

Cabdi Xakiim Maxamed Axmed Dhoobo oo ah Guddoomiyaha golaha wakiiladda ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa ugu horeyn Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay Magaaladda Garoowe ee Maamulka Puntland.

Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye kuxigeenka labaad ayaa uga mahad celiyay shacabka iyo Dowlad Goboleedka Puntland soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa,wuxuuna sheegay in garoowe inta ay joogaan kaga qeyb gali doonaan shirka Golayaasha sharci dejinta ee Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada,uuna ka rajeynaayo in ay kasoo baxaan qodobo lagu sii dar dar geliyo wada shaqeynta iyo iskaashiga Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirka Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ah kii shanaad ee ay yeeshaan,waxaana uu si rasmi ah uga furmi doonaa magaaladda aroowe maalinta berri ah,isagoo socon doona sedaxda maalin ee soo socota.