Wafdi Ka Socda Dowlada Federaalka Oo Gaaray Baladweyne Iyo Ujeedkooda

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa goor dhaweyd gaaray wafdi ka socda dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdifitaax Qaasim.

Wafdigan oo ay kamid yihiin Wasiiru dowlaha Cadaalada Xukuumadda Yuusuf Xuseen Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, Xildhibaano, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan Baladweyne.

Ujeedka wafdiga ayaa waxaa uu ka yahay sidii loo joojin lahaa dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaraya duleedka Magaalada Baladweyne, kaasi oo socday maalmihii lasoo dhaafay.

Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Mas’uuliyiinta la socda ayaa la filayaa inay kulan la qaatan Odayaasha iyo Waxgaradka beelaha dagaalamaya, iyagoona kala hadli doona sidii loo joojin lahaa Colaada heshiisna looga gaari lahaa dagaal beeleedka.

Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa soo kala gaaray beelaha ku dagaalamayay deegaano ku yaalla duleedka Baladweyne, waxaana dhowr jeer guulddareystay dadaalo lagu doonayay in lagu soo afjaro Colaada, iyadoona dagaalka uu salka ku haayo arrimo la xiriira dhul-daaqsiyeed.