Wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo.

BAYDHABO-AYAAMAHA-Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka Maamulka Koofur galbeed gaaray Wafdi ka socda guddiga hirgelinta doorashada heer federal, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay qaar kamid ah mas’uuliyiinta Baydhabo.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Mowliid Mataan ayaa wafdigaan ka socda guddiga doorashooyinka heer federal hogaaminayay.

Guddiga ayaa Ujeedka ay halkaasi u tageen waxa uu yahay  dar-dar galinta howlaha doorashooyinka heer dowlad goboleed Koofur galbeed, iyagoo sidoo kale halkaa ka bilaabi doono kulamo ay la yeelanayaan Odayaasha dhaqanka maamulkaasi iyo madax kale.

Wararkii ugu dambeeyay ee sidoo kale laga helayo magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Odiyaasha dhaqanka ay go’aan ku gaareen ineysan doorasho dhici Karin ilaa laga soo daayo Mukhtar Rooboow oo dowladda u xiran.

Waxaa la filayaa in maamulka Koofur Galbeed uu guda galo doorashooyinka xubnaha Aqalka Sare ka kuwaa oo kamid noqon doono Baarlamanka soo socda iyadoo wali saan saan doorasho aysan jirin.

Waxaa sidoo kale jira loolan xoogan uu u dhaxeeya maamulka Farmaajo iyo Mucaaradka kuwaa oo xubnaha lasoo magacaabayo doonaya iney kooxdooda noqdaan iyadoo mid walba uu musharax wato.