Kismaayo-Ayaamaha-Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Aadan Barre Ducaale iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo la socday ayaa waxaa  Garoonka diyaaradaha Kismaayo ksuoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madax kale oo ku sugan Kismaayo.

Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ayaa ka qeyb galaya Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo haatan socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay.

Amar ka soo baxay Maamulka Duulista Hawada Soomaaliya ayaa xalay lagu sheegay in la mamnuucay duulimaad kasta oo ka yimaada Kenya ee ku socda Kismaayo.

Dowladda Kenya ayaa markii labaad jabisay Xayiraada dowladda Soomaaliya ay saartay Garoonka Magaalada Kismaayo.

Dowladda Kenya ayaa horey u aqoonsatay doorashadii lagu doortay Axmed Maxamed Islaam halka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.